Bernard Roth waa professor wax ka dhiga jaamacadda California ku taal ee Stanford University. Buuggiisa la yidhaa: The Achievement Habit: Stop Wishing, Start Doing, and Take Command of Your Lifeayuu ku xusay talooyin waayo-aragnimo ah oo ku saabsan sidu qofku horumarka naftiisa caado ugu dhigan karo.
Talooyinkan waxa ugu xusi mudan 5-tan:
1. Haysku dayyin ee samee!
Inaad hawsha isku daydid iyo inaad qabatid isku mid maaha. Jidka horumarka waxa taxan caqabado oo kolba xal kaaga baahan. Laakiin, caqabad kastaaba waa fursad aad wax ku baran kartid si aad hore ugu sii socotid. Markaa, professor Bernard Roth wuxu ku leeyay: ri’yoda ka toos, go’aan qaaddo oo hawshana ku dhaqaaq. Hana ka baqin inaad hawshaad bilowdid ku fashilantid. Markastaad fashilantid ha kuu noqoto cibro qaadasho si aanad godkaa mar labaad ugu dhicin.
Don’t try.
Do!
Doing is everything.
2. Marmarsiinyadu waa cadowga horumarka
Ogow: waxa ugu wayn ee ku hor taagan waa naftaada. Hawlkasta oo adag oo faaido kuu leh naftaadu waxay u heli cudur-daar si aanad u bilaabin. Iska jir marmarsiinyo kasta xataa haday marmarsiinyadu run tahay.
3. Isu arag inaad tahay qof horumar gaadhi kara
Aragtidaad naftaada ka qabtid waxay saamaynaysaa sidaad himilodaada u hanatid. Sidaa darteed, waa inaad niyadaada galisid inaad tahay qof hawl-kar ah oo himiladiisa hanankara. Horumarka naftaaduna waa masuuliyad adiga kuu xil saaran.
4. Isticmaal habka la yidhaa: Design Thinking
Design Thinking waa hab mashaakilka (caqabadaha) lugu xaliyo oo lugu hindisay Stanford University. Inaad naftaada ku dabaqdid habka Design Thinking waxay ka kooban tahay 5 talaabo:
a. Empathize
Marka hore naftaada baro oo garo waxaad hiigsanaysid, waxaad ku fiicantay iyo waxaanad ku fiicnayn.
b. Define the problem
Marka labaad is-waydii: waa maxay caqabadaha iga hor taagan waxaan rabo?
c. Ideate
La kaalay fikrado aad ku xalin kartid caqabadaha ku hor yaalla.
d. Prototype
Hawsha ku dhaqaaq oo dabaq fikradaad soo saartay. Markastana inaad hawsha bilowdid ayaa ka qiima badan inay fikradaadu noqoto wax boqol-kiiba-boqol qumman.
e. Test and get feedback
Tijaabi waxaad soo saartay adigoo tijaabada uga dan leh inaad heshid jawaab-celin si aad kolba u sii kordhisid tayyada waxaad soo saaraysid.
5. Dadka waayo-aragga ah wax ka baro
Hadaad jidka horumarka qabsatid waxa lama huraan ah inaad maruun ambatid. Sidaa darteed, kama maarmaysid inaad heshid dad ku caawiya ood wax ka baratid. Markaa waa inaad awooda saartid sidaad u heli lahayd dad aad waayo-aragnimadooda ka faaidaysatid.

0 Comments