Header Ads Widget

Responsive Advertisement

Arsenal Oo Atletico Madrid Xasuuqday -- Gyökeres Oo Laba Jeer Shabaqa Gaaray


Kooxda Arsenal ayaa caawa bandhig cajiib ah ka muujisay garoonkeeda Emirates Stadium kadib markii ay 4–0 ku garaacday kooxda reer Spain ee Atlético Madrid, ciyaar kamid ahayd UEFA Champions League ee xilli-ciyaareedkan.


Goolka furitaanka waxaa qaybtii hore dhaliyay daafaca dhexe Gabriel Magalhães, kaddib kubbad laad xor ah oo uu si madax ah u dhameystiray. Daqiiqado yar kadib, weeraryahanka Gabriel Martinelli ayaa laba jibbaaray hogaanka Arsenal isagoo si qurux badan u dhameystiray kubbad uu ka helay Lewis-Skelly.


Markii la isku soo laabtay qeybtii labaad, Viktor Gyökeres oo dhawaan ku soo biiray Arsenal, ayaa bandhig wacdaro leh sameeyay isagoo laba gool oo is xig-xigay dhaliyay. Weeraryahankan reer Sweden ayaa muujiyay in uu si degdeg ah ula qabsaday nidaamka uu Mikel Arteta dhisay.


Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa ammaanay ciyaartoydiisa kadib ciyaarta, isagoo yiri:


Waxaan ku faraxsanahay sida ay u ciyaareen wiilashu — tani waa natiijo muujinaysa sida aan ugu diyaar garoobnay tartamada soo socda.


Guushan ayaa si weyn u dhiirrigelisay taageerayaasha Arsenal kuwaas oo rajo weyn ka qaba in kooxdu sanadkan ku guuleysato koob weyn, iyadoo qaab ciyaareedkeedu si joogto ah u hagaagayo.

Post a Comment

0 Comments