Kooxda Arsenal ayaa xilli ciyaareedkan 2025/2026 u muuqata mid u diyaarsan inay jarto abaartii koob la’aanta ahayd ee sanado badan saarnayd. Tababare Mikel Arteta iyo ciyaartoydiisa ayaa muujinaya kalsooni, xasillooni iyo ciyaar deggan oo ka tarjumaysa koox doonaysa guul iyo maamuus.
Iyadoo Premier League si adag loogu tartamayo, Arsenal waxay si dhow ugu jirtaa tartanka, iyada oo sidoo kale gaartay wareegyada dambe ee FA Cup iyo Champions League. Ciyaartoyda sida Bukayo Saka, Declan Rice iyo Gabriel Martinelli ayaa hogaaminaya kooxda, halka difaacooda uu noqday mid adag oo adag in laga gudbo aysan sahlaneen.
Taageerayaal badan ayaa dareensan in kooxda haysata isku-dheelitirnaan iyo niyad wanaag, aysan fursad u laheyn in ay koob la’aan ku dhamaysto xilli ciyaareedkan. Ma jiro wax hor istaagi kara haddii ay Arsenal sii waddo qaab ciyaareedkan wanaagsan.
Ugu dambayn, su’aasha taagan ayaa ah: Ma Arsenal baa xilli ciyaareedkan gebi ahaanba jabin doonta abaarta koob la’aanta? Jawaabtu waxay u muuqataa mid togan, waana sugitaan iyo taageero keliya.

0 Comments