Kooxda Manchester United ayaa guul muhiim ah ka gaartay Liverpool kadib markii ay 2-1 ku garaacday kulan xiiso leh oo ka dhacay Anfield.
Ciyaarta ayaa si dar dar leh ku bilaabatay iyadoo Liverpool ay isku dayaysay inay si deg deg ah u hesho gool, balse Manchester United ayaa si fiican u difaacanaysay. Goolka furitaanka waxa Manchester United u dhaliyay ciyaaryahanka reer Cameroon Bryan Mbeumo, kaasoo si xirfad leh uga faa’iidaystay fursad helay daqiiqaddii 2aad.
Liverpool ayaa iska caabintooda u bedeshay gool daqiiqadii 78aad markii Cody Gakpo uu ciyaarta ka dhigay 1-1. Si kastaba, United ayaa sii waday cadaadiska, waxaana goolka guusha u dhaliyay Harry Maguire daqiiqadii 84aad, isagoo ciyaarta ka dhigay 2-1.
Guushan ayaa sare u qaaday kalsoonida Manchester United oo haatan ku jirta ol’ole adag oo ay doonayso inay dib ugu soo laabato tartanka kaalmaha sare ee Premier League. Dhanka kale, Liverpool ayaa wajaheysa cadaadis dheeraad ah kadib laba guuldarro oo xiriir ah oo ku dhacday.

0 Comments